3003 Views

Madaxweyne Farmaajo “Farahooda ayaa ka muuqda in weerarkaas Al-Shabaab ka dambeeyaan”

Madaxweyne Farmaajo “Farahooda ayaa ka muuqda in weerarkaas Al-Shabaab ka dambeeyaan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 18 October 2017 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay ka dambeeyaan weerarkii ugu dhimashada badnaa ee soo mara taariikha Soomaaliya, ee 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, kaddib markii baabuur xamuul ah uu isku qarxiyay Isgoyska Zoobe.

Weerarkan Argagixiso ayaa waxaa ku dhintay illaa saddex boqol oo ruux oo shacab ahaa, halka tiro intaa ka badan ay ku dhinteen.

Madaxweyne Farmaajo oo wareysi siiyay Telefishinka Al Jazeera qeybtiisa Afka English-ka ayaa sheegay in Al-Shabaab farahooda ka muuqdo weerarkii Sabtidii, isla markaana uu yahay wax ay sameyn jireen.

“Tani Farahooda ayaa ka muuqda, waana wax ay sameyn jireen”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ka codsaday beesha Caalamka in gacan lagu siiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadii Al-Shabaab ku guuleysato dagaalka ay u fududdahay inay fikirkooda xun ay gaarsiin karaa dhalinyarada Yurub iyo Ameerika.

“Hadii ay halkan ku guuleystaan, waxay fursad u helayaan inay fikirkooda xun iyo fikirkooda siyaasadeed ay gaarsiiyaan dhalinyarada Yurub iyo Mareykanka”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan u maleynayay inay sheegan doonaan, laakiin waxay og yihiin inay mas’uuliyad aad u weyn ay noqon laheyd”ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlayay xasuuqa uu weerarkaas geystay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sabtidii ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah, iyadoo calanka hoos loo dhigay, maalmaha baroor diiqa iyo gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ayaa wali halkeeda ka soo socda.

Hey’addaha ammaanka ayaa caawa lagu wadaa inay soo bandhigaan macluumaad ku saabsan weerarkii lagu hoobtay ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Isgoyska Zoobe.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment