2643 Views

Sawiro:-Banaanbax Ka Dhan ah Masiibadii Zoobo Oo Iminka Ka Soconaya Baydhaba

Sawiro:-Banaanbax  Ka Dhan ah Masiibadii Zoobo Oo Iminka Ka Soconaya Baydhaba
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 18 October 2017 – Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa goordhow ka bilaawday banaanbax ay dhigayaan Shacabka Magaaladaas kaas oo ay ugu baroor diiqayan dadkii ku waxyeeloobay qarixii zoobe.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu soo baxay Goob fagaaro ah oo ku taalla Bartamaha Baydhabo iyaga oo Madaxa ku xirtay Marooyin Gaduudan.

Banaanbaxayaasha ayaa dareen ka muujinaya sida ay uga xun yihiin khasaarihii ka dhashay qarixii galaaftay nolosha dad badan ee ka dhacay Magaalada Muqdisho Sabtidii aynu soo dhaafnay.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan kuwa Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa in goordhow ay ku biiraan dibadbaxyaasha.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Banaanbaxayaasha Magaalada Baydhabo

 

b1 b2 b3 b4 j0

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment