3054 Views

Ardayda iyo Macalimiinta Degmada Baargaal oo Maanta si qiiro leh uga mudaharaaday Dadkii ku dhintay Qaraxii Muqdisho

Ardayda iyo Macalimiinta Degmada Baargaal oo Maanta si qiiro leh uga mudaharaaday Dadkii ku dhintay Qaraxii Muqdisho
____________________________________________________________________________

Baargaal | QOL | October 18, 2017 – Macalimiinta  iyo Ardayda dugsiyada  Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ayaa saaka  Muujiyay Sida ay ugu xunyihiin weerarkii Lagu dilay oo lagu xasuuqay Shacab badan ooaan waxba Galabsan oo 14 bishan october  ka dhacay Muqdisho.

Ardayda  iyo sidoo kale Macalimintii ka qayb galay banaabaxan  ayaa si qiiro iyo murugo badan u Muujiyay sida ay uga xun yihiin Wixii ka dhacay isgooska Zoobe ee Muqdisho.

Sidoo kale isu soo baxan waxaa ka soo qayb galay  xubnaha ururka dhalinyarada degmada Baargaal ee Bayda iyo masuuliyiin matalaysay maamulka degmada oo uu horkacayay sii hayaha xilka gudoomiyaha Degamada Baargaal mudane siciid cawil dhuxul waxa ayna dhamaan ka soo qaybgalayaashii dibad baxan soo xirteen Maro Gaduudan oo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin Dhacdadii ka dhacday magaalada
muqdisho .

macalimiinta iyo Aradyada ayaa Balan qaaday in ay ka qeyb qaadanayaan Caawinta Dadkii wax ku noqday Qaraxaasi ba’an.

ardayda-baargaal-10 ardayda-baargaal-9 ardayda-baargaal-8 ardayda-baargaal-7 ardayda-baargaal-6 ardayda-baargaal-5 ardayda-baargaal-4 ardayda-baargaal-3 ardayda-baargaal-1 ardayda-baargaal-2

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Melbourne

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment