5124 Views

Dib u dayactir lagu billaabay Isgoyska14-ka October ‘EX Zoobe’

Dib u dayactir lagu billaabay Isgoyska14-ka October ‘EX Zoobe’
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 19 October 2017 – Waxaa durba saaka dhismo iyo dayactir ka bilowday wadada laamiga ee ku bur buray qaraxii weynaa ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Shirkadda qaabilsan dhismaha waddooyinka ee Kulmiye General Service Limited ayaa dayactir ku bilowday 500 mitir isku weer ee laamiga ah.

Wadada laamiga ee Isgoyska Zoobe ayaa qeyb ka mid ah ay si aad ah ugu bur burtay Qaraxii 14-kii bishan, waxaana halka gaariga uu ku qarxay ka qodantay god aad u weyn.

Sidoo kale waxaa laga taagayaa wadada nalalka ku shaqeeya cad ceeda oo iyana qeyb ka ahaa waxyaabihii ku bur buray qaraxa.

Qaar ka mid ah dhismayaasha ku bur buray qaraxa ee ku yaal hareeraha wadada ayaa iyana waxaa ku bilaabatay dhismo, iyadoo qeybaha bur buray lagu wareejiyay jiingado, si dhismo loogu bilaabo.

Tani ayaa muujineysa rajo cusub iyo soo koobasho degdeg ah mar alla markii uu qarax dhaco, goobihii ku bur bura in la dhisayo, waana arrin yididiilo leh, sida shacabka Muqdisho aanay ugu niyad jebin qaraxyada ay wehelka u noqdeen.

dayactir-14-oktober-5

s1 s2 s3 s4

wwwwwwwwwwwwwwww

.dayactir-14-oktober-4 dayactir-14-oktober-3 dayactir-14-oktober-2 dayactir-14-oktober-1

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment