3264 Views

Laamaha Amaanka Oo Soo Badhigi Dhigidoono Sacadaha Inagu Soo’aadan Baaritaanka Qaraxii Zoobe

Laamaha Amaanka Oo Soo Badhigi Dhigidoono Sacadaha Inagu Soo’aadan Baaritaanka Qaraxii Zoobe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 19 October 2017 –Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay soo bandhigaan natiijada baaritaan horudhac ah oo ku saabsan qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe, halkaasoo lagu dilay in ku dhow 300 oo ruux.

Inkastoo xalay lagu waday in la soo bandhigo baaritaanka weerarkaas, sida uu horay u shaaciyay Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisow, hadana waxaa ku yimid dib u dhac.

Wararka ayaa sheegaya in hey’adaha ammaanka ay gacanta ku hayana natiijada baaritaanka qaraxii Zoobe, isla markaana saacadaha soo socda lala wadaagi doono shacabka.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dad kala duwan oo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxa, waxaana dadkaas ka mid ah rag la sheegay inay damiinteen gaarigii xamuulka ahaa ee qaraxa fuliyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Al-Shabaab inay ka dambeyso qaraxii Isgoyska Zoobe ee lagu gumaaday shacab badan oo aan waxa galabsan, balse ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment