2838 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Isugu Yeeray Baarlamaanka Labada Aqal

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Isugu Yeeray Baarlamaanka Labada Aqal
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 19 October 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maalinta Sabtida ah kulan isugu yeeray Baarlamaanka Labada Aqal ee Dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sheegay Sabtida in Madaxweynaha uu la kulmi doono Baarlamaanka labada Aqal ee Dowladda, isaga oo kala hadli doona, wixii Sabtida ka bilowda dalka inuu galayo xaalad dagaal oo ka dhan ah Shabaab.

Maxamed (Farmaajo) oo shalay ka qeyb galay Banaanbixii ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in la sameynayo Ciidanka Difaaca dadweynaha, qofwalba oo Soomaali ahna looga baahan yahay in qori uu qaato, si Shabaab loola dagaalamo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey ugu dhawaaqay in dalka uu galay xaalad Dagaal, taasi oo ilaa hadda aanay soo kordhin wax isbedel ah, shacabka Soomaaliyeed ayaa dhagaha u taagaya go’aankan mar kale ka soo baxay Madaxda Qaranka.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment