3003 Views

Ra’iisul Wasaare Khayre “Ma aqbali karno in Magaalada Muqdisho laga dhigo meel dadka lagu xasuuqo”

Ra’iisul Wasaare Khayre “Ma aqbali karno in Magaalada Muqdisho laga dhigo meel dadka lagu xasuuqo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL 19, Oktoobar 2017- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed iney u istaagaan sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxaha gumaadka ku haya shacabka Soomaaliyeed, xili uu la hadlayay dhalinyarada Gurmad Qaran oo maanta uu kulannlan la qaatay.

Waxaan u mahed celinayaa dhalinyarada sida mutadawacnimada leh u caawiyay bulshadii ku waxyeeloobay qarxii 14-ka bishan ka dhacay Muqdiasho, sidoo kalena ka shaqeyay in ay xog-aruurin ku sameeyaan dadkii ku dhintay Qaraxaas. – RW Xasan Cali Kheyre

Ra’iisul Wasaare Khayre wuxuu tilmaamay in aan marnala fiirsan karin xasuuqa lagu hayo shacabka, loogana baahan yahay dhalinyaradu in ay qaataan doorkooda xoreynta dalka, si jawaab adag looga bixiyo dhibaatadii ka dhacday isgoyska Zoobe 14kii bishan.

Cuddadda ugu badan ee dalku leeyahay waa idinka maanta haddii aan isku geyno awooddeena waxaa hubaal in dhib danbe aysan shabaab noo geysan karin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegya in marna aan la aqbali karin in magaalo madaxda dalku wehel u noqoto xasuuq joogto ah, taas baddelkeedana la rabo kooxaha argagixisads in loogu tago meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Khayre ayaa u sheegay dhalinyarada Soomaaliyeed in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu isagu hoggaamin doono dagaalka, waxa uuna dhalinyarada ku booriyay in ay muujiyaan wadaniyad, kana difaacaan cadowgga dalka iyo dadkooda.

Dhiigga aan ku bixinayno Isbtlitaallada insha allahu waxaan ku bixin doonnaa furimaha dagaalka. Madaxweynaha ayaa nagu hoggaaminaya dagaalka idinkuna u diyaar garooba difaaca dalkiina hooyo, kana qeyb qaata in ay nabad ku seexdaan caruurteena iyo hooyooyinka maalin walba barooranaya”. Ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaaraha.

rw-kahyre-mahadcelin-2 rw-kahyre-mahadcelin-10  rw-kahyre-mahadcelin-11 rw-kahyre-mahadcelin-8 rw-kahyre-mahadcelin-3 rw-kahyre-mahadcelin-4 rw-kahyre-mahadcelin-6 rw-kahyre-mahadcelin-5 rw-kahyre-mahadcelin-1 rw-kahyre-mahadcelin-9

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment