2625 Views

R.W. Khayre oo la kulmay Danjire Mohamed Al Hammadi

R.W. Khayre  oo la kulmay Danjire Mohamed Al Hammadi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20 October 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Labada mas’uul waxay ka wada hadleen xiriirka labada Dowladood xaga amniga, Dhaqaalaha iyo kordhinta taageerada Soomaaya kaga timaado Imaaraadka Carabta, sida lagu daabacay Wakaalada Wararka Imaaraadka ee WAM.

Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi uga mahadceliyay taageerada bini-adanimo iyo midka dhaqaale ay siiyaan Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii la soo dhaafay balan qaaday daaweynta 100-Qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Sidoo kale Imaaraadka Carabta ayaa shaaciyay inay Agab caafimaad oo ay ka mid yihiin Daawooyin u soo dirayaan Soomaaliya si loogu kordhiyo xarumaha caafimaad ee la gaarsiiyay dadkii Qaraxa ku dhaawacmay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment