2400 Views

Ra’isul Wasaare Kheyre oo sheegay in aysan aqbalidooni in Muqdisho uu xasuuq kale ka dhaco

Ra’isul Wasaare Kheyre oo sheegay in aysan aqbalidooni in Muqdisho uu xasuuq kale ka dhaco
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20 October 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed iney u istaagaan sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-shabaab, xili uu la hadlayay dhalinyarada Gurmad Qaran.

Ra’iisul Wasaare Khayre wuxuu tilmaamay in aan marnala fiirsan karin xasuuqa lagu hayo shacabka, loogana baahan yahay dhalinyaradu in ay qaataan doorkooda xoreynta dalka, si jawaab adag looga bixiyo dhibaatadii ka dhacday isgoyska Zoobe 14kii bishan.

“Cuddadda ugu badan ee dalku leeyahay waa idinka maanta haddii aan isku geyno awooddeena waxaa hubaal in dhib danbe aysan shabaab noo geysan karin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegya in marna aan la aqbali karin in magaalo madaxda dalku wehel u noqoto xasuuq joogto ah, taas baddelkeedana ayuu yiri “waa in loogu tagaa Al-shabaab goobaha ay ku dhuumelysanayaan.

Khayre ayaa u sheegay dhalinyarada Soomaaliyeed in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu isagu hoggaamin doono dagaalka, waxa uuna dhalinyarada ku booriyay in ay muujiyaan wadaniyad.

“Dhiigga aan ku bixinayno Isbtlitaallada insha allahu waxaan ku bixin doonnaa furimaha dagaalka. Madaxweynaha ayaa nagu hoggaaminaya dagaalka idinkuna u diyaar garooba difaaca dalkiina hooyo, kana qeyb qaata in ay nabad ku seexdaan caruurteena iyo hooyooyinka maalin walba barooranaya”. Ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaaraha.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment