3798 Views

Sawiro:- Alla bari lagu qabtay Isgoyska Zoobe, Salaadii Jimcaha kadib

Sawiro:- Alla bari lagu qabtay Isgoyska Zoobe, Salaadii Jimcaha kadib
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20 October 2017 – Boqolaal qof oo ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta salaadii Jimcaha kadib waxa ay isugu yimaadeen Isgoyska Zoobe oo 14-kii bishan uu ka dhacay Qarax aan nuuciisa horey loo arak.

Dadweynaha halkaasi isugu yimid ayaa Tukaday laba rakac oo Salaada janaasada ah, kadib Sheekh Cabdi Xayi oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed, ayaa la hadlay dadweynaha goobta yimid.

Sheekh Cabdi Xayi ayaa dadka halkaasi yimid u jeediyay khudbad ku saabsan sida ay u wanaagsan tahay in la ilaaliyo dhiigga qofka Muslimka ah, isaga oo sidoo kale u duceeyay dadkii ku dhintay Qaraxii Zoobe, iyada oo dadka ay ka daba ajiibayeen.

Dadweynaha maanta isugu yimid Isgoyska Zoobe ayaa ajiibayay baaqii Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta, oo ahaa in Jimcaha Zoobe la isugu yimaado, si loogu duceeyo dadkii la laayay 14-kii bishan.

zoobe-salaada-jimcaha-1

n2 n3 n4

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment