2685 Views

Sawiro:- Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay gargaar caafimaad oo kaga timid Dowlada Ethiopia

Sawiro:- Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay gargaar caafimaad oo kaga timid Dowlada  Ethiopia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 20 October 2017 –  Diyaarad Militari oo ay leedahay Dowladda Ethiopia,islamarkaana sida gargaar caafimaad ayaa maanta oo jimco ah ka soo degtay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Gargaarka caafimaadka ee ka yimid xukuumadda Adis-ababa ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay caawinta dhibanayaasha Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa Garoonka diyaaradaha Adan Cadde kaga gudoontay deeqda gargaarka caafimaad oo gaareysa 4-tan oo Dowladda Ethiopia wakiil uga ahaa Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa Dowladda Ethiopia kaga mahad celisay gargaarka caafimaad ee maanta soo gaartay,waxayna sheegtay iney ku soo beegantay xilli baahi weyn loo qabay.

Sidoo kale,waxaa jirta diyaarad kale oo laga leeyahay Ethiopia oo sida gargaar caafimaad oo gaareysa 4-tan oo saacadaha soo soocda  ku soo wajahan magaalada Muqdisho.

Waxaa sii kordhaya kaalmada Dowladda federaalka Soomaaliya kaga imaaneysa Beesha caalamka iyo Dowladaha deriska ee ku aadan caawinta dadkii wax ku noqday Qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

x1 x2 x3 x4

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment