2880 Views

Xildhibaano Katirsan Baarlamaanka K/Galbeed Oo Mooshin ka Gudbinaya Madaxweynaha Maamulkaasi

Xildhibaano Katirsan Baarlamaanka K/Galbeed Oo Mooshin ka Gudbinaya Madaxweynaha Maamulkaasi
____________________________________________________________________________

Baydhabo | QOL | 20 October 2017 – Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa furmaya Maalin kadib oo ku beegan 22-ka Oktoober, Xildhibaan Amiin Max’ed Faarax oo Katirsan Xildhibaanada Koofur Galbeed Lana  hadlay Qaranimo Online  ayaa sheegay in kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka koofur galbeed ay hor geyn doonaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha maamulkaasi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in mooshinka uu ka dhashay Waxqabad la’aan uu sheegay in uu ku  sifoobay Madaxweynaha koofur galbeed sida uu hadalka u dhigay.

Xildhaan Amiin ayaa sheegay in Xildhibaanada baarlamaanka lagu wargeliyey ka qeyb galka furitaanka baarlamaanka maamulkaasi, laguna faray in ay Magaalada Baydhabo tagaan, si ay kaga qeyb qaataan Furitaanka Kalfadhiga.

Ciidamada Koofur Galbeed ayuu ku eedeeyey in ay Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo ay ku Xannibeen Xildhibaano katirsan Koofur Galbeed oo uu ku jiray.

Sababaha ay ciidamada ugu xannibayaan Garoonka Diyaaradaha ayuu ku sheegay in ay tahay amar uu siiyey Madaxweyne Shariif Xasan, Maadaama Xildhibaanada Mooshin ay ka Gudbinayaan.

Waxa uu rajo ka muujiyey in mooshinkoodu in uu noqdo mid gudbo oo ay aqbalaan Guddoonka Baarlamaanka, maadaama horay loogu Celiyey Mooshinka, inta uusan Xirmin Kalfadhigii 3-aad ee Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Hab Sharci ah ayuu Xildhibaanku sheegay in ay u gudbinayaan Mooshinkooda, si Guddoonka Baarlamaanka uu ugu aqbalo sida uu Hadalka u dhigay.

Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa mooshin horay ugu gudbiyey madaxweynaha koofur galbeed, inkastoo uu gudbi waayey, kadib markii gudoonka baarlamaanka ay sheegeen in aysan qabaneen, waxayna Sabab ugu dhigeen in uusan Buuxin Shuruudaha Mooshinka uu dhigayo Dastuurka u yaalla.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Baydhabo 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment