3438 Views

Imaaraadka Oo Labo Dal ka Dhigaya Yemen!, warbixin

Imaaraadka Oo Labo Dal ka Dhigaya Yemen!, warbixin
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 21 October 2017 –27; Sano kaddib Midowgii Yemen ayaa la sheegayaa in hadda mar kale la filayo in Dalka Yemen oo u kala qeybsamo laba dal.

Dowladda Imaaraadka oo taageero Maaliyadeed,Ciidan iyo xoog kaleba isugu dartay Qabaa’ilka Koofurta Yemen ayaa la filayaa in ay qaadaan afti ay Yementa koofureed ku noqoneyso Dal ka madaxbanaan Caasimadda Sanca ee Dalka Yemen.

Arrintan waxaa la xaqiijiyay in ay gadaal ka riixeyso dowladda Imaaraadka Carabta oo dooneysa in maamulka iyo mas’uuliyadda Gacanta Baabal-Mandab,Badda Cas iyo kanaalka Zuweysba iyada loo soo maro.

Dowladda Imaaraadka waxaa ay dooneysaa in madaxbanaanida Koofurta Yemen ay horseeddo in uu meesho ka baxo Dowladda Caalamka aqoonsanyahay ee Madxweyne Haaddi,kaas oo taageero xoog leh ka heysta Sucuudiga.

Arrintan waxaa kale oo ka soo dhexmuuqday in Sucuudiga iyo imaaraadka ku kala qeybsanyihiin dagaalka ka socda Dalka Yemen,gaar ahaan damaca Imaaraadka ee ah kala qeybinta Dalka Yemen.

Ceydaruus Al-Zubeydi waa hoggaamiyaha Bulshada Koofurta Yemen ee ay sida gaarka ah u taageerto Dowladda Imaaraadka,Ciidamo uu Ninkan leeyahay oo ay dowladda Imaaraadka tababartay ayaa  gacanta ku haya xarumaha dowladda ee Yemen gaar ahaan Koofurta halka Ciidamada daacadda u ah Cabdu Rabbu Mansuur Haaddi ay ka maqanyihiin goobta.

Ninkan waxaa uu Guddoomiye ka yahay  Golaha ku meel gaarka ah ee Koofurta Yemen,waxaa ay wataan Calankii Yementa Koofureed ee 1990kii laga guuray,waxaana ay sidoo kale leeyihiin dhaq dhaqaaqa madaxbanaani doonka Koofurta Yemen.

hhhhhhhhhh

Mansuur Saalax oo ka mid ah Golaha Ku meelgaarka ah ee Koofurta Yemen STC, ayaa sheegay in ay sameynayaan Baarlamaan ka kooban 303 Xubnood,laanta fulinta iyo hay’dahada kale ee u dhisan qaab dowladnimo,kaddibna ay qaadayaan wafti dadka Koofurta Yemen lagu weydiinayo in ay ka go’aan Yementa Waqooyiga.

Sarkaal Yemeni ah oo Magaciisa qariyay ayaa sheegay in ku dhawaaqidda Aftidan ay soo baxday Markii afti gooni isu taag ah ay qabteen Kobollada Catalonia iyo Kurdistan ee Spain iyo Ciraaq,waxaa uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u qorsheynayo Golaha uu guddoomiyaha ka yahay Cyedaruus in aftidaas ay dhacdo.

Ceydaruus waxaa uu ka mid ahaa Raggii Ciidankiisa ay dagaalka la galeen Xuutiyiinta Waqooyiga maamula ee shiicada ah una diiday in ay Magaalada Cadan qabsadaan.

Dhahi Khalfan,oo ah Madaxa booliska iyo amaanka Bulshada ee Dubai ayaa sheegay in loo baahanyahay in uu meesha isaga tago Cabdu Rabbu Mansuur Haaddi islamarkaana Yementa Koofureed yeelato dowlad gaar ah, laakiin Anwar Gargash; oo ah Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa Twitterkiisa ku qoray “Nidaamka siyaasadeed waxaa ka mid ah in aad aaminta xulufada aad adiga dhisatay ee ma’aha in aad dhabarka ka qaniinto,waxaana muhiim ah in aad dadka guur soo hor mariso halkii aad dan gaar ah horumarsan lahayd”.

Hadalka dambe ayaa isna muujinaya Khilaaf dowladda Imaaraadka dhexdeed ka jira oo ku aaddan kala qeybinta Yemen,waxaana Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda qabaa in Cabdu Rabbu la taageero lana aamino,halkii lagu jeesan lahaa maaddaama Imaaraadku kaalin ka qaatay in uu madaxweyne noqdo.

zzzzzzzzzzzzz

Sarkaal kale oo Yemeni ah ayaa sheegay in Imaaraadka uu $3bilyan oo dollar ku bixiyay Mashaariicda hay’adaha dowladda ee Koofurta Yemen,dhisay,tababaray,hubeeyay Ciidamada STC,sidoo doonayo in uu maamulo dekadaha Koofurta Yemen.

Sarkaalkan oo magaciisa qariyay ayaa yiri “ Sanca mar dambe ma maamuli doonto Koofurta Yemen,waxaana sida aan u kala  harnay”.

Imaaraadka waxaa uu dagaalka Yemen ku biiray March 2015kii,markaas oo Xuutiyiinta la wareegeen Sanca ku dhawaaqeen in ay yihiin dowladda saxda ah ee Yemen,iyada oo xasaasiyad ka qabta taageerada Iraan ee Shiicada Yemen ayey Imaaraadka go’aansatay in ay isbaheysi la noqoto Sucuudiga oo ay u muuqatay rididda Xuutiyiinta,hayeeshee Imaaraadka Ajenda kale wato.

Sanadihii la soo dhaafay Imaaraadka waxaa ay isku dayayeen in ay la wareegaan Dekadaha Waddamada Bariga dhexe iyo Afrika, waxaa ay qorsheynayaan in aysan isku halleyn Dekadahooda,iyada oo doonaya in saameynta Dekaddooda Dubai ee  Jebel Ali ay sii jirto waxaa ay la wareegeen Dekadda  Berbera Soomaaliya, Dekadda Assab ee  Eritrea, iyo Dekadaha  Limassol  iyo  Benghazi Liibiya oo dhaca Badda  Mediterranean.

2011kii Gugii Carabta dibaxyadii dhacay meelaha ay ka dhaceen waxaa ka mid ah Boqortooyada ay Sunniyiinta Maamulaan ee Baxreyn,Imaaraadka waxaa uu u diray Ciidan dhulka ah,Waxaa ay Diyaaradahooda dagaalka ka qeyb qaateen duqeyntii lagu riday Mucamar Al-Qadaafiga Liibiya,waxaa ay taageereen Afgambigii lagu riday Maxamed Mursi,waxaana ay Balaayiin dollar siiyaan Dowladda Cabdi Fitaax Al-Sisi.

55555555555

18kii Bilood ee ugu dambeeyay dagaalka dhulka ah ee Imaaraadka ka wado Yemen waxaa uu sameeyay horumar yar intaska oo ay Xuutiyiinta wali maamulaan Caasimadda Sanca.

Dowladda Imaaraadka waxaa ay  ku fashilantay in ay Malleeshiyaad ka qoroto Gobolka Waqooyiga ku yaalla ee Ma’rib,waxaana qabaa’ilka degaanka iska diideen doorka Imaaraadka ee Gobolkooda.

April 2016kii markii Al-Qaacidda laga saaray Gobolka Xadarmoud,Imaaraadka waxaa ay sameeyeen Kooxo iyaga taabacsan oo ay hubeeyeen,waxaana ay sidoo kale kala qeyb galeen howlgallada,Bishii la soo dhaafay Imaaraadka waxaa uu howlgal iskiis ah ka fuliyay degaanka Mudeyah, oo 200km u jirta Cadan.

Tani waxaa ay sababtay in Ceydaruus iyo Haaddi billaabaan halgan mid kasta ku doonayo in uu maamulka isaga hayo,waxaana Haddi uu billaabay in uu qaabeysto Ciidamada Gobollada Abyan iyo Shabwa halka Ceydaruus oo taageero ka helaya Imaaraadka uu abaabul ka wado  Dhale.

Yemeniyiin badan ayaa Haaddi ku eedeeyay in uu ka gaabiyay in uu joojiyo kala go’a Yemen,sidoo kale Imaaraadka ayey dhaliil weyn u jeediyeen oo ah in doonaayo in uu gacanta ku dhigo Maamulka Dekadaha iyo Garoomada diyaaradaha ee Waaweynee dhaca Koofurta isaga oo sameysanaya Malleeshiyo gudaha ah.

Urur SIyaasadeedka kaliya ee Yemen iska heysta waxaa Al-Islaax oo Ikhwaanul Muslimiinka ku aragti ah,hayeeshee Imaaaraadka ayaa Ururkan oo gooni isu taagga koofurta Yemen diiday ka dhigtay bartilaameed,waxaana lagu eedeeyay Ciidamada Imaaraadka ee Gudaha Yemen ku jira in ay sameysteen Shabakad qaabilsan,dilka,Afduubka iyo Xarigga madaxda Al-Islaax Yemen.

Isha: Al-jazeera

Waxaa qoray Faysal Edroos, ka tirsan Al-Jazeera

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment