3369 Views

Xukuumadda Soomaaliya Oo Isgoyska Soobe Ugu Magac dartay Qaraxii ka Dhacay.

Xukuumadda Soomaaliya Oo Isgoyska Soobe Ugu Magac dartay Qaraxii ka Dhacay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 21 October 2017 – Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho ayaa loogu Magac daray Milkiilaha Daarta Ganacsiga ee Isgoyska Soobe ku Taal, 14-kii Bishaan waxaa ka dhacay Qarax ay ku nafwaayeen dad gaaraya 358 qof oo Dowladda Soomaaliya in ay kasii kordhi karaan maadaama 56-qof wali lagu la’ yahay Nolol iyo Geeri.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in laga bilaabo 20-kii October Xukuumadda Soomaaliya ay magaca ka badashay Isgoyska Soobe, una bixisay Isgoyska 14-ka October.

Wasiir Yariisow ayaa Tibaaxay in Magac badalkaas isgoyska ay ugu tala gashay Xukuumadda in lagu xusuusto Dadka ku dhaw 700-da boqol ee waxyeelada kasoo gaartay, qaarkoodne aanan Nolol iyo Geeri lagu heyn 8-Ceshe kadib.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Taalo ka tarjumeysa Dadkaas ay ka dhisi doonto Isgoyska 14-ka October (Ex Soobe), Waxa ayna Markale Tacsi la wadaageen Ehelada Dadkii waxyeeladu ka gaartay Qaraxaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment