3471 Views

Dowlada Kenya Oo Qarineysa Muwaaddiniin Uga Geeriyooday Qarixii Ka Dhacay Zoobe

Dowlada Kenya Oo Qarineysa Muwaaddiniin Uga Geeriyooday Qarixii Ka Dhacay Zoobe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 22  October 2017 –Warbaahinta dalka Kenya ayaa aad u hadal haya muwaaddiniin Kenyaan ah oo ka shaqeysta gudaha Soomaaliya kuwaas oo qaarkood ku dhintay qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sida uu qorayo manta Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya,waxaa jira muwaaddiniin la hubo in ay Kenyaan yihiin oo qaraxa ku dhintay hayeeshee dowladda Kenya ay ku talagal u qarineyso.

Dadka Kenyaanka ah ee ka shaqeysta Muqdisho ayuu Waregyska sheegayaa in ay mushaar ahaan u helaan $3000 oo Doollar Qofkiiba,waana mid ka mid ah sababaha Dadka Kenyanka ah ku riixaya in ay shaqo u soo doontaan Soomaaliya.

Kenyaanka ka shaqeysta Muqdisho waxaa ay u badanyihiin sharikadaha dhismaha,Hay’adaha Caalamiga ah,Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya,Ganacsiga kale ee caadiga ah sida Hoteellada,Warshadaha iyo warbaahinta.

Ajaanibta

Qof kasta oo Ajanabi ah waxaa uu ku jiraa Qatar marka uu joogo Muqdisho,waxaa dadkaas ka mid ah Kenyaan badan,sababtuna waa Somaliya iyo Kenya oo sohdin wadaaga.

Inta badan Kenyaanka waxaa ay Soomaaliya ka qabtaan Dan ay Dowladda Kenya u hayaan ama mid iyaga u gaar ah.

Dadka Ajaanibta ah intooda badan kama baxaan Xafiisyada ay ku shaqeeyaan ama waxaa lagu qaadaa Gaadiidka aanay Xabadda Karin,laakiin mararka qaar Argagixisada waxaa ay laayaan Dadka gudaha ah iyo shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda.

14kii Bishan waxaa ay ahayd maalin nasiib darro,waxaa dhacay Qarax Gaari oo uu ka dhashay khasaarihii ugu badnaa taariikhda Soomaaliya,waxaana dhimashada gaartay 358 Qof.

Dadkaas waxaa ka mid ahaa Gabar yar oo Kenyan ah,taas oo ahayd Agaasimaha Xafiiska Jender-ka ee Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya,waxaana ay ka mid noqotay dhibbanayaashii qaraax ku dhintay.

Waxaa ay ka mid noqotay tirada dadka Kenyaanka ah eek u maqan gacanta Al-shabaab,Ayaanbadan Ina Maxamed,waxaa ay ka qalin jebisay Jaamacadda JKUAT,oo waxaa ay ka qaadatay Darajada 2aad Horumarinta Caalamiga ah qeybta Culuumta Beeraha iyo Tignolojiyadda,Meydkeeda oo gubtay ayaa ka mid ahaa dadkii laga soo ururiyay Burburka Qaraxii Soobbe.

Ayanbadan, Saaxiibadeed la shaqeyn jiray waxaa ay ku sifeeyeen Gabar quruxbadan oo dabeecad wanaagsan,waxaa ay ahayd 28 jir.

Walaalkeed Axmed Maxamed waxaa uu lataliye ka yahay Hay’ad Caalami ah oo ka shaqeysa Muqdisho,waxaa uu Daily Nation u sheegay in Ayaan ay Sanadkii 2012kii tagtay Soomaaliya,waxaa ay ka shaqa billowday Xafiiska Ra’isalwasaaraaha Soomaaliya kaddibna waxaa loo wareejiyay Wasaaradda Qorsheynta ee Soomaaliya.

Meydkeeda waxaa lagu aasay Qubuuro ku yaalla Isbitaalka Madiina ee Muqdisho,waxaa lala aasay Muwaaddinad kale oo kenyaan ah oo aan la caddeyn oo iyada qaraxa ku dhimatay sida uu sheegay Axmed .

Ayaan waxaa ay ka soo jeeddaa Magaalada Mandheera,saaxiibadeed waxaa ay sheegayaan in Ayaan ay tahay Kenyaanka kaliya ee ay ogyihiin ee wax ku noqotay Qaraxii Soobbe.

Halkaas (Muqdisho) waxaa ka jira suurtagalnimo badan oo ay Kenyan badan uga midyihiin Qaraxii Soobbe,laakiin wey adag tahay in la qeexo.

Sanadihii ugu dambeeyay Soomaaliya waxaa u shaqo tagay Kenyaan badan haba u badnaadeen kuwa asal ahaan Soomaalida ah ,waxaana ay ka qabtaan shaqooyin sare oo mushaar fiican leh,kuwaas oo ay bixiyaan Ganacsatada gudaha,Dowladda iyo Hay’adaha Caalamiga ah.

Shaqaaleysiinta.

Kenyaanka Somaliya taga waxaa ay dafiraan ama qariyaan Kenyannimadooda si ay u helaan shaqo joogto ah,iyaga oo Muwaaddiniin Soomaali ah iska dhigaya,waxaana tani ay ka mid tahay sababaha adkeyneysa in lakala caddeeyo dadkan waxa ay yihiin,gaar ahaan kuwa asalka Soomaalida ah.

Axmed Maxamed ayaa Haweeneyda Kenyaanka ah ku sheegay in ay tahay mid ka shaqeyneysay Hay’adda UNDP ee horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobey,laanteeda Muqdisho.

Maxamed waxaa uu Wargeyska uga digay in qormadooda ay ku caddeeyaan in ay Kenyaan tahay sababta oo ah UNDP waxaa ay ugu shaqeyneysa Muwaaddin Soomaali ahaan.

Kenyaanka go’aankaas qaata ee sida Somalida caadiga ah oo kale uha shaqeysta gudaha waxaa ay helaan fursado wanaagsan,laakiin qatarteeda ayaa bar bar socoto oo qatarta dhinaca Amniga ah ee ay kala kulmi karaan Muqdisho.

Kenyaanka

Daily Nation waxaa ay sheegeysaa in ay isku dayday xiriirka danjiraha Kenya ee Soomaaliya  Jeneraal Kyonze Tumbo,si wax looga weydiiyo tirade Kenyaanka ah eek u dhimatay Qaraxii Muqdisho ka dhacay 14kii Bishan hayeeshee kama jawaabin.

Qof ka mid ah Saraakiisha Safaaradda Kenya ee Muqdisho ayaa sheegay in uusan qabin in Kenyaan ay ku dhinteen Qaraxii Muqdisho.

Sarkaalka oo magaciisa ka gaabsaday ayaa yiri “marka laga reebo kuwa Kenyannimada ku diiwaangeshan ee aan liiskooda heyno,kuwo kale wey nagu adag tahay in aan xogtooda helno”.

 

Isha Daily Nation.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment