2583 Views

Dowladda Federaalka Oo Casuuntay Madaxda Dowlad Goboleedyada

Dowladda Federaalka Oo Casuuntay Madaxda Dowlad Goboleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 22  October 2017 – Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Magaalada Muqdisho ku casuumay madaxda dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu iclaamiyay shir muhiim ah oo 28ka Bishan ka dhacaya Magaalada Muqdisho kaas oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya gaar ahaan musiibadii ka dhacay Isgoyska Soobbe ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo jale Ajendayaasha shirkaas waxaa ka mid ah sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada oo xiriirkooda mugddi soo kala dhexgalay.

Waxaa kale oo ka mid ah sidii dowladnimada Soomaaliya horay loogu sii amba qaadi lahaa,iyada oo madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ee ka jira Soomaaliya ay dhawaan shirgaar ah ku sameysatay Kismaayo kaas oo ay ku sameeyeen Gole iskaashi.

Qodobada kale ee diirradda lagu saari doono waxaa ka mid ah horumarinta hanaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo doorashada 2021ka ee madaxtinimada la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment