2175 Views

Farmaajo Oo Booqanaya Dalalka Deriska ah

Farmaajo Oo Booqanaya Dalalka Deriska ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 22  October 2017 – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu booqasho ku tago dalalka deriska ah si uu ugala hadlo xaaladda Soomaaliya ay ku jirto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay ka baaqday kulan uu isaga ka codsaday golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya kaas oo la filayay in uu kaga dhawaaqo xaalad dagaal oo uu dalku gelayo kaddib dhacdadii 14kii Bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay ku dhinteen dadka ku dhow 400.

Madaxweynaha waxaa uu booqan doonaan Dalalka Uganda,Itoobiya iyo Jabuuti,waxaana uu madaxda dalalkaas kala hadlayaa qorshaha dowladda ee ka dhanka ah Al-shabaab iyo dagaalka uu sheegay in dowladdiisu ay la geleyso Al-shabaab.

Safarkiisu waxaa uu billaabanayaa maanta oo Axad ah waxaana uu ka billaabayaa dalka Uganda,isaga oo ku xijin doonta Itoobiya kuna soo gaba gabeynaya Dalka Jabuuti,madaxda dalalkaas ayuu kala hadlayaa sidii ay ugu taageeri lahaayeen gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-shabaab islamarkaan aay dowladdiisu shaacisay dhawaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment