3507 Views

Fowsiyo Abiikar Nuur oo kale, Allah nagu badiyo

Fowsiyo Abiikar Nuur oo kale, Allah nagu badiyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  22 Oktobar- Qaraxi ka dhacay Muqdisho, maalinti 14kii Octoobar, dhibaata badan ayuu geeystaty, ayadoo oo dad badan ku naf waayeen, qaar kalena kalena ku dhaawacmeen.Taas ayaa keentay in R/Wasaare Xasan Cali Khayre uu gurmad weydiisto Dowladaha Adduunka, si loo badbaadiyo dhawaca faraha badan ee daadsan Isbitaallada magaalada Muqdisho.

Waxaa la ogyahay in hadii dhib dhaco, la kala barto dadka kugu heeran, sida ay u kala naxariis badanyihiin ama sida ay go’aannada u gaarayaan waqtiga dhibaatada jirto.

Turkiga ayaa ugu horreeyay dowlad noo soo gurmato, taas oo dad badan oo dhaawac ah oo jiifay Isbitaalada, loo kala hormarinaayay hadba sida ay kula daranyihiin.

Dadka madaxda ahaa ee goobta joogay, ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka: Fowsiyo Abiikar Nuur

Dhaawici qaadidda u soo baxday, waxaa ka mid aha wiil dhallin yara ah oo loo arkay in uu liito, lagama maarmaan ay tahay in lagu daro, dadka ugu horreeyo ee Turkey loo qaadayo. Wiilkaan ayaa waxa, Isbitaalka Daaru-Shifa, la joogay abihiis oo dul taagna, saacadihii Qaraxa wixi ka dambeeyay.

Wiilka marki lagu daray dadka la qaadayo ayaa Abihi diiday oo sheegay in uu Qura’n saarayo, waxa kalena usan baahnayn. Dadku meesha joogay oo Wasiiradda Caafimaadka ay ku jirto ayaa isku dayay in odaga ku qanciyaa in wanaagsantahay in wiilkiisa la qaado asagana uu raacayo, hasa ahatee arrintaas way ku fashilmeen. Dadki meesha joogay ayaa go’ansaday in wiilka si loo badbaadiyo, qassab lagu kaxeeyo asaga iyo aabihi.

Wasiiradda Caafimaadka  ayaa dadki ka dalbatay in ay u ogoladaan in ayada oo kali ah ay isku daydo in wiilka abihii ay ka dhaadhiciso in wiilka la qaado asagana uu raacayo.

Fowsiyo odagi ayaay qulki ugu gashay, warkina u billowday una sheegay wiilka iyo asagaba ay dan u  tahay in la qaado, balse waa ka madax adeegay.

Wasiirka Caafimaadka, danta waxa ku qasabtay in Jilbaha dhulka dhigato oo ayada oo ooyayso garguuratay jibahana ka qabsatay wiilka Abihi, ee muddo ka dibla isku ooyeen. Sidaas ayuu odagi ku aqbalay in wiilkiisa la qaado asagana uu raaco.

Dadki way yaabeen; Gabadhaan Wasiiradda Caafimaadka ah, waxa ka ooysiiyay, balse ka dib ay u qireen in ay aad u naxariis badantahay, Qalbi nadiif ahna ay leedahay. Intaa waxaa u dheer in Raabi ka dhowray Islaweeynin!!

Waxan Allah ka baryeeynaa in Gabdhaha Soomaaliyeed ay noqdaan sida Wasiirka Caafimaadka, Fowsiyo Abiikar Nuur

W/Q Ali Omar Ghedi

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment