3174 Views

Sawiro Shariif Xasan oo furay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Maamulkaasi

Sawiro Shariif Xasan oo furay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Maamulkaasi
____________________________________________________________________________

 Baydhabo | QOL | 22  October 2017 – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta magaalada Baydhabo furay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, Labadiisa Ku xigeeno iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa ka soo qeyb galay Munaasabadda furitaanka ee Kalfadhiga 4-aad.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo marka hore khudbad jeediyay ayaa sheegay in uu furan yahay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka, wuxuuna Xildhibaanada ugu baaqay inay soo xaadiraan kulamada.

Gudoomiyaha, ayaa sheegay Baarlamaanka Koonfur Galbeed in ay horyaalan hawlo badan oo dhinaca maamulka iyo sharciyadaba leh, loona baahan yahay inay dardargeliyan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo khudbad dheer u jeediyay Xildhibaanada, ayaa sheegay mudadii ay fasaxa ku maqnaayeen in Golaha Wasiirada ay qabteen shaqooyin muhiim u ah maamulka.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo qaarkood fasax ka soo laabtay, kuna soo laabtay Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa la hadalhaya in ay wadaan abaabulka mooshin ka dhan ah Madaxweyne Shariif Xasan.

m1 m2 m3 m4 m7

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Baydhabo 

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment