2589 Views

Wararkii Ugu Danbeyey Ee Qarixii Ka Dhacay Sh. Dhexe

Wararkii Ugu Danbeyey Ee Qarixii Ka Dhacay Sh. Dhexe
____________________________________________________________________________

Jowhar  | QOL | 22  October 2017 – Ugu yaraan Lix Ruux ayaa ku dhimatay degaanka Dani Ballow oo 11km koofur Galbeed kaga beegan Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Dadkan waxaa ay ku dhinteen kaddib markii Saaka gaari ay saarnaayeen Miino kula kacday degaanka Daniga halkaas oo ay ku dhinteen.

Goobjooge Magaciisa ka gaabsaday ayaa u xaqiijiyay Qaranimo  in lixda Qof ee dhimatay ay ahaayeen Dadka Gaariga saarnaa islamarkaana uusan jirin Qof kale oo dhaawacmay ama la socday gaariga.

Dadkan oo Haween u badan ayuu Goobjoogahan u sheegay Qaranimo  in ay ka baxeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose islamarkaana ay Cows u doonteen Beeraha u dhow Daniga.

Degaanka uu Qaraxa ka dhacay Waxaa Todobaadkii hore ku dagaallamay Ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.

Sida uu sheegay Goobjoogahaas Al-shabaab iyo dowladda midkoodna kuma sugna goobta ay wax ka dhaceen saaka,waxaana degaankaas uu ku tilmaamay in ay tahay aag dagaal oo ay labada dhinac mar walba ku dagaallamaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Jowhar 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment