4305 Views

Baadari Islaamay Kaddib Markii Uu Ka Carooday Lebbiska Haweenka Kiristaanka ah

Baadari Islaamay Kaddib Markii Uu Ka Carooday Lebbiska Haweenka Kiristaanka ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 23  October 2017 –Charles Okwany; oo ahaa Baadariga Kaniisadda Nyalgosi ee Dalka Kenya ayaa qaatay Diinta Islaamka,waxaana uu la baxay Ismaaciil Okwany.

Waxaa uu ka carooday qaab lebbiska Haweenka Kiristaanka ah kaddib markii uu safarro dhowr ah ku tagay Tanzania,Mombasa iyo Milindi,islamarkaana soo arkay sida ay u lebbisanyihiin Haweenka Muslimiinta ah.

Waxaa kale oo uu Islaamiyay 23 ka mid ahayd Xerta Kaniisaddiisa,waxaana Kaniisaddii uu ka dhigay masaajid,isaga oo sidoo kale codsaday in Masaajidka loo diiwaangeliyo.

Haweenka Kiristaanka ah ayuu ku eedeeyay in ay Kaniisadda tagaan iyaga oo xiran dhar ku yar ama qafiif ah,sidoo kalena inta badan jirkooda banaanyahay.

Intii uu waday safarrada uu ku faafinayay Kiristaannimada waxaa uu ku bar bar waday la qabsiga dhaqanka Islaamka,waxaana uu wax ka bartay dhaqanka Haweenka Muslimiinta ah,isaga oo doortay in uu ku biro Diinta Islaamka.

Ismaaciil hadda waa 65 jir,waxaana uu sheegayaa in markan uu u dhaqaaqayo faafinta Diinta Islaamka kaddib markii uu ogaaday in ay tahay Diinta saxda ah ee Alle loogu dhawaanayo.

 

hhhhhhhhhhhhhhj

Waxaa uu u tagay Imaamka degaanka Rangwe, ee Gobolka  Kisii  oo lagu magacaabo Mustafa Saoke, waxaana uu 26kii Bishii la soo dhaafay qaatay Diinta Islaamka,sidoo kale 23 ka mid ah Xertiisa ayaa isla goobtaas Islaamka ku qaatay.

Dhulkii Kaniisadda ee uu Masaajidka ka dhigay waxaa hadda ku dukada 60 Qof oo 30 ka mid ah ay yihiin Islaam hore oo dhawaan ku biiray Jameecada Masaajidka cusub isna diiwaan geliyay,waxaana loo ballan qaaday in Masaajidkiisa Bisha soo socota Rasmiyan loogu diiwaan gelinayo si uu uga mid noqdo Masaajidka Muslimiinta ee Kenya.

Isha Nairobi Wire

 

afiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment