2787 Views

Mas’uul Xilka Hayey Putland Oo Xilkii Laga Qaaday

Mas’uul Xilka Hayey Putland Oo Xilkii Laga Qaaday
____________________________________________________________________________

Garoowe  | QOL | 23  October 2017 –Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa shaqada ka joojiyay Taliyaha Booliska Puntland C/qaadir Shire Farax (Erag ).

Erag ayaa maalin ka hor waxaa uu Magaalada Garoowe ku dhaawacay ku xigeenkiisa kaddib markii Taliye Erag iyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal CUmar Faraweyne ay murmeen,raasaasuu Faraweyne u wadayna ku dhacday ku xigeenkiisa.

Madaxweynaha Puntland ayaa shaqo joojinta Erag u raaciyay xabsi Guri ilaa amar dambe,waxaana uu ku simaha Erag ka dhigay Taliye ku xkgeenka 2aad ee Booliska C/laahi Shire Dool

Taliyaha shaqo joojinta lagu sameeyay waxaa horay sidan oo kale shaqada uga joojiyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey,iyada oo uu Gaas dibadda ku maqnaa,hayeeshee markii uu soo laabtay ayuu shaqada dib ugu celiyay.

Taliyaha shaqada laga joojiyay iyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa isku qabtay qorshaha lagu sugayo amniga Garoowe,waxaana gacan ka hadal dhexmaray labadooda sababay in uu Erag Bastoolad la soo baxo rasaasna ku rido Farweyne,taas oo Taliye ku xigeen Shir uga dhacday Jilibka.

 

 

afiiska Wararka Qaranimo Online | Garoowe 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment