2460 Views

DEG-DEG:-Qarax Xoogan Oo Iminka Ka Dhacay Booasaaso

DEG-DEG:-Qarax Xoogan Oo Iminka Ka Dhacay Booasaaso
____________________________________________________________________________

Boosaaso   | QOL |  24  October 2017 – Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay Saldhigga Bartamaha Magaalada Boosaaso hortiisa.

Saraakiisha Amaanka ee Boosaaso ayaa xaqiijiyey in afaafka hore ee Saldhigga Bartamaha Boosaaso isku qarxiyey qof isa soo miidaamiyey oo watay Gaari gacan,waxaana la sheegay inuusan jirin Khasaare Nafeed oo Qaraxaas ka dhashay marka laga reebo Qofka Isqarxiyay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Tiro Dad ah oo Ciidamo ay kamid yihiin ay ku dhaawacmeen Qaraxa ka dhacay Afaafka hore ee Saldhigga Bartamaha Magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay Goor dhow War ka soo saari doonaan Qaraxa ka dhacay Magaalada Boosaaso ee uu Fuliyay Qofka isku soo xiray Waxyaabaha Qarxa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Boosaaso 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment