2595 Views

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Oo La kulmay Saraakiil Sare Oo Ka Tirsan Midawga Yurub

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Oo La kulmay Saraakiil Sare Oo Ka Tirsan Midawga Yurub
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL |  24  October 2017 –Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, C/wali Jaamac Gorod ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga kula kulmay Taliyaha Tababarada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Addis pietro.

Kulankan ayaa wuxuu ahaa mid isbarasho ah maadaama dhawaan la magacaabay Taliyaha Ciidamada Xooga dalka, sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa Tababarada Midowga Yurub ay siiyaan Ciidamada xooga dalka iyo sidii wada shaqeyn u dhex mari laheyd labada Masuul.

C/wali Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa uga mahad celiyay Taliyaha sida Midowga Yurub ay ku garab taagan yihiin Ciidamada xooga dalka, iyagoo bixiya Tababaro heer sare sidoo kalena ku taageera ciidamada Soomaaliya Saanad Militari.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa ka codsaday Taliyaha Tababarada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Addis pietro, inay door weyn ka qaataan dagaalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Dalka oo dhawaan lagu qaadi doono deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab iyo in Midowga Yurub Howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya la sii xoojiyo, maadaama dalka uu ka socdo dib u dhis xoogan oo lagu sameynayo Ciidamada si loo xaqiijiyo xasilinta amniga guud ee dalka.

C/wali Jaamac Gorod ayaa maalmahan waday kulamo uu ku dardar galinayo howlaha horyaala ciidamada xooga dalka, isagoo shalay kulan la qaatay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada AMISOM, waxayna ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa dagaalka, guud ahaanba dalka looga saaro Al-shabaab.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment