2586 Views

Waa maxay Sababta Madaxweyne Mugabe u Magacaabay Wasiirka Wasaaradda WhatsUP-ka?

Waa maxay Sababta Madaxweyne Mugabe u Magacaabay Wasiirka Wasaaradda WhatsUP-ka?
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL |  24  October 2017 – Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Ruperto Mugabe ayaa magacaabay Wasaaradda amniga Internet-ka iyo baraha Bulshada ee Dalkaasi.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in Dadka leh Group-yada WhatsUp-ka looga baahanayahay in ay Shahaaddada 1aad ka heystaan Wasaaradda amniga Internet-ka iyo Baraha Bulshada ee Dalka Zimbabwe.

Madaxweyne Mugabe ayaa 10kii Bishan magacaabay Wasaaraddan waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay baraha bulshada aad loogu hadalhayay arrintan.

Madaxweyne Mugabe ayaa ku doodaya in Baraha Bulshada gaar ahaa WhatsUp-ka uu yahay halka ugu badan ee ay Mucaaridkiisa ku kulmaan loona baahanyahay in la xakameeyo dhaq dhaqaaqa dadka uu ku eedeeyay duminta Dowladda Zimbabwe.

George Charamba,oo ah Afhayeenka Madaxwweyne Mugabe ayaa sheegay in aragtidan uu lahaa Madaxweynaha kaddib markii sida uu sheegay ay soo baxday qatarta dowladda Zimbabwe kaga wajahan dhinaca Baraha Bulshada sida Facebook,Twitter iyo WhatsUp.

16kii Sano ee la soo dhaafay adeegsiga Internetka ee Dalka Zimbabwe ayaa ka soo kacay 03% ilaa 46%,Baraha Bulshada waa halka ugu badan ee Warbaahinta Mucaaridka iyo TV-yada dibadda ay wararkooda u mariyaan Dadka ku nool gudaha Zimbabwe.

Bishii la soo dhaafay markii uu shidaal yarida wajahay Dalka Zimbabwe,Baraha bulshada ayey ahayd halka laga daawanayay dadka oo safaf dhaadheer ugu jira shidaalka,sidoo kale farriimaha lagu soo qorayay Baraha Bulshada waxa aka mid ahaa in Dalka Zimbabwe uu wajahayo cunto yari,taas oo dowladda ay cadaadis iyo dhaleeceyn kala kulantay Caalamka.

Wasiirka Wasaaraddan Mr Charamba.,ayaa sheegay in sababta loo sameeyay ay tahay mid amni iyo ajende siyaasadeed oo ay dowladda leedahay si ay u xakameyso amniga Dalka Zimbabwe.

Dadka u dooda xorriyadda hadalka ayaa sheegaya in Wasaaaraddan iyo shaqadeeda ay dhaawac ku yihiin dastuurka Dalka Zimbabwe loona baahanyahay in dowladda dhowrto Dastuurka u deggan.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee MDC, Morgan Tsvangirai, ayaa ku doodaya in magacaabista Wasaaraddan ay dhaawac ku tahay xorriyadda hadalka.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda amniga Internetka iyo Baraha Bulshada ayaa Dadweynaha dalkaas ugu baaqay in ay Baraha Bulshada ku soo daabacaan kaliya wax marka ay Maxkamadda tagaan difaaci karaan.

Wasiirka ayaa ku hanjabay in bilaha soo socda dad badan loo xir xiri doono arrintan,iyada oo ay doorashada Madxatinimada Zimbabwena soo dhowdahay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment