4689 Views

Boqolaal ka mid ah Milatariga Soomaaliya oo Sh/Hoose la geeyay iyo Al-Shabaab oo wadooyinka biyo ku jaraya

Boqolaal ka mid ah Milatariga Soomaaliya oo Sh/Hoose la geeyay iyo Al-Shabaab oo wadooyinka biyo ku jaraya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 25 Oktoobar 2017;—dhawaad Kun Askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogag Soomaaliya oo aad u qabalabeysan ayaa la sheegay in Dowaldda Soomaaliya ay geysay degmooyin ka tirsan Gobalka shabeelaha Hoose ciidankaas oo loo diyaariyay in maalmaha soo socda ay u dhaqaaqan Goobaha ay maamulaan Al-Shabaab eee gobalkaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Soomaaliya ayaaQaranimo Online  u xaqiijiyay in Ciidan-kaan oo wata Gaadiidka Dagaalka oo ay saran yihiin Hub culus sidoo kalana Ciidanka aad loo qalabeeyay la geeyay degmooyinka Afgooye, No: 50 iyo Garoonka Bali doogle iyo degmooyin  kale waxa ay u diyaar garoobeyn in ay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Xubno ka tirsan Gobalka ayaa sidoo kale Qaranimo  u sheegay in Ciidankaan ay diyaarsan yihiin sidoo kalane ay la socdaan dhaqaatiir Caafimaad dhinaca Cirkana ay diyaarado ka caawin doonaan ay sugayaan oo kaliya amar ka soo baxa Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca Kale Al-shabaab ayaa la sheegay in dadka deegaanka ay ku amrayaan in ay  jibiyaan Kar kaarada ama jiinka Wabiga si  dhulka uu u noqdo dhiiqo, looguna dagaalami waayo haddii ay Ciidanka dowlad weerar ku soo qaadaan Goobaha Al-Shabaab ay maamulaan.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa la sheegay in inta badan wadooyinka Gobaalka Shabeelaha Hoose ay ku aaseyn Miinooyin culus si aysan Ciidanka Dowladda u soo marin Wadooyinkaasi.

Goob joogayaal ku sugan gobalka ayaaQaranimo Online  u xaqiijiyay in Maalmihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay qarxiyeen ilaa dhowr Gaadiid oo ah Nuuca loo yaqaano cagaf cagafta oo dadkii lahaa ay diideen in ay kiciyaan si godad loogu qodo wadooyinka gobalka ama loo jaro Wadooyinka.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ka xeesteen Dadkii watay gawaarida Cagaf Cagafta ah ee diiday in ay Wadooyinka ay jaraan.

Saraakiisha amaanka ee aan la hadalnay ayaa ku taliyay in Shacabka ku nool gobalka kuwa ku safra in ay taxadar muujiyaan xiliyada ay Is ticmaalayaan Wadooyinka hadii aysan ka baaqsan Karin Isticmaalkooda.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan Xiisadda gobalka ka taagan, maalmo ka hor 6 qof ayaa ku dhintay Miino  dhulka la giliyay oo ku qaraxday Gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo marayay Inta u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye.

Howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee qaadayaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya la sheegay in uu bilaaban doono markii uu dalka dib ugu soo laabto Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay safaro howlgalkaan la xariira ku marayay Dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment