2649 Views

Dad shacab ah oo ku dhintay dagaal Al-shabab iyo AMISOM ku Dhexmaray Lafoole

Dad shacab ah oo ku dhintay dagaal Al-shabab iyo AMISOM ku Dhexmaray Lafoole
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL |  25 October 2017 –Ugu yaraan Qof shacab ah ayaa la xaqiijiyay in uu dhintay sidoo kalena ay dhaawacmeen labo kale kaddib markii saaka ay ay Ciidamo ka tirsan Al-shabaab jidka u galeen Ciidamada AMISOM ee jooga Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Lafoole,halkaas oo Ciidamada AMISOM oo maraya ay la kulmeen weerar jid gal ah,waxaana ay is dhaafsadeed Rasaas daqiiqado tocotay.

Sidoo kale waddada xilligaas ewaxaa marayay Gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Qofka dhintay ayaa lagu magacaabaa  Jacfar Cali Maxamed oo ka mid ahaa Ardey  Dugsi lagu magacaabo Al-Furqaan oo ku yaalla Xaafadda Jaamacadda Beeraha,waxaana uu ka mid ahaa Rakaabka saarnaa Gaariga shacabka ah ee dhexda ka galay dagaalkaas.

Dhaawaca dadka ay waxyeellada gaartay ayaa la sheegayaa in loo soo celiyay Muqdisho,iyada oo kaddib dagaalkaas Ciidamada dowladda Soomaaliya ay goobta gaareen islamarkaana hadda ku suganyihiin halka lagu dagaallamay oo ah Taallada 5-ta Golaha sare.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment