2874 Views

Guddoonka Labada Aqal Oo Ka Qeyb Galay Furitaanka Kala-Fadhiga 40,Aad Ee Baarlamaanka Puntland

Guddoonka Labada Aqal Oo Ka Qeyb Galay Furitaanka Kala-Fadhiga 40,Aad Ee Baarlamaanka Puntland
____________________________________________________________________________

Garoowe , 25 Oktoobar 2017;—Munaasabada lagu furayay kalfadhigii 4aad ee baarlamaanka Puntland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlada Goboleedka Puntland,taasi oo ay ka qeybgaleen guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo si rasmi ah u furay kalfadhigii 40-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka hadlay waxqabadka Puntland,Madaxweyne C/weli Gaas ayaa sheegay in Dowlad Goboleedka Puntland uu ku talaabsaday horumaro dhinacyo badan leh,sida Ammaanka hanaanka dowlad Goboleed dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyuada bulshada ee deegaanada Puntland.

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay maamulka Puntland madaxdiisa sida wanaagsan oo wafdigoodi ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Garoowe bogaadiyayna wadashaqeynta labada dhinac.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankaasi ka sheegay in baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu waacusub u baryay,wuxuuna muujiyay ahmiyadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta Baarlamaanka Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

p p2 p4 p5 p6 p7 p10 p11 p12

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Garoowe 

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment