2577 Views

Madaxweyne Gaas Oo Furay Kalfadhigii 40aad ee Baarlamaanka Maamulka Putland

Madaxweyne Gaas Oo Furay Kalfadhigii  40aad ee Baarlamaanka Maamulka Putland
____________________________________________________________________________

Garoowe    | QOL |  25  October 2017 –Madaxweynaha Maamulka Puntland aya ala filayaa in uu maanta furo kalfadhiga 40aad ee Baarlamaanka Maamulka Puntland kaas oios anadkiiba mar dhaca.

C/Wali Maxame dCali Gaas ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeedo furitaanka fadhiga 40aad ee ay yeelanayaan Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Khudbadda Madaxweyne Gaas ayaa la filayaa in uu diiradda ku saaro  dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Siyaasadda gudaha iyo Arrimaha la xariira Nidaamka Faderaaliga ah ee Soomaaliya..

Fadhigan waxaa jooga ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jwaari,sidoo kale waxaa jooga Guddoomiyaha Golaha aqalka sare  ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Amniga Garowe ayaa aad loo adkeeyay iyada oo Waddooyinka qaarna ay xireen Ciidamada amaanka,sidoo kalena ay baaritaan ku sameynayaan xaafadaha qaar ee ka agdhow Xarunta Baarlamaanka Puntland.

Labada Guddoomiye ee ka socda Baarlamaanka Federaalka ayaa la filayaa in iyana ay khudbado ka jeediyaan fadhigan oo ay tahay markii ugu horreysay ee ay wadajir uga qeybgalaan Kalfadhiga noocan ah ee Baarlamaanka Puntpand yeelanayo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Garoowe

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment