2769 Views

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka oo sheegay in Imaaradka oo kaliya uu yahay dalka caawiyey Soomaaliya

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka oo sheegay in Imaaradka oo kaliya uu yahay dalka caawiyey Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL |  25  October 2017 – Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta tahay dalka kaliya ee Soomaaluya u soo gurmaday tan iyo 2009kii islamarkaana tahay dalka kaliya ee dhaawacyada Qaraxii 14kii Bishan ka dhacay Muqdisho dalkeeda ku daweyneysa.

Mr Sharma’arke oo ku sugan Safaaradda Soomaaliya ee Dubai ayaa u sheegay KhaleejTimes in dowladda Imaaraadka tahay dalka kaliya ee Soomaaliya caawinaya.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah  dadka ku sugan Dubai ee Dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaadatay gargaarka Soomaaliya kaddib musiibadii 14kii Bishan ka dhacday Muqdisho.

Danjiiraha Soomaaliya ee Imaaraadka C/Qaadir Sheekhey Al-Xaatimi ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka ay tahay dalka kaliya ee Soomaaliya caawiyay tan iyo burburkii kaddib,waxaa uu isna la hadlay Khaleejtimes.

Dowladda Imaaraadka ayaa dhawaan ballanqaadday Daweynta 100 ka mid ah dhaawacyada Muqdisho,iyo sidoo kale damaanad qaadka nolosha 300 oo ka mid ah dadkii ku agoontoobay weerarkaas.

Saraakiil sar sare oo horay u soo maray dowladihii kala duwanaa ee Soomaaliya iyo Somalida Imaaraadka aya aisugu tagay Safaaradda Soomaaliya ee Dubai waxaana ay wadajir Imaaraadka uga mahadcelinayeen kaalinta uu ka qaatay gurmadka Soomaaliya ka socda.

Saraakiisha u hadashay dhinaca Dowladda Imaaraadka ayaa sheegay in waligoodba ay garab joogeen Soomaaliya waxaana ay tusaale u soo qaateen Ololihii Bishii April ee Sanadkan ee ay ugu magac dareen “adiga dartaa Soomaaliya”,kaas oo ay dowladda Imaaraadka sheegtay in ay ku kaalmeysay lix Milyan oo Soomaali ah.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment