3216 Views

Ammaanka saldhigga Milateri ee Turkiga ee Muqdisho oo la xoojiyey

Ammaanka saldhigga Milateri ee Turkiga ee Muqdisho oo la xoojiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 26 Oktoobar 2017 — Ammaanka Saldhigga Milateri Turkiga ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, kaddib qaraxii weynaa ee 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasoo galaaftay nolosha boqolaal ruux.

Saldhigga oo ku yaal Wadada aada Jaziira ayaa saacadihii la soo dhaafay amnigiisa la adkeeyay, waxaana lagu arkay banaanka xerada gaadiidka gaashaaman ee ay leeyihiin Ciidamada Turkiga.

Ciidamada Turkiga ayaa aad u feejigan, waxaana ay roondo ku sameeyaan hareeraha xerada milateri.

Sidoo kale waxaa xalay illaa saaka subaxdii hareeraha xeebta dul heehaabayay diyaarad helicoptero ah oo aan la ogeyn ujeedka, waxaana dadka degan degmooyinka Wadajir iyo Madiina ay sheegayaan in saacado ay diyaaradan xeebta Jaziira illaa garoonka diyaaradaha ay dul wareegeysay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa iyana qeyb ka ahaa sugida amniga xerada, gaar ahaan meel ka baxsan xerada oo ciidamada ay joogaan.

Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa dhowaan aahisay in qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe loo waday Saldhigga Milateri ee Turkiga, waxaana ay ka soo xigatay ilo sirdoon.

Warbaahinta Turkiga ayaa sidoo kale ka hadashay in wararka sheegaya in qaraxa loola dan lahaa Saldhigga Turkiga uu ka furtay Muqdisho.

Saldhigga Turkiga ayaa waxaa dhowaan lagu xareeyay ciidamo gaaraya illaa 1,500 askar Soomaali ah oo muddo lix bilood lagu tababari doono.

Dhismaha Saldhiggan ayaa ka kooban dhowr qeybood sida dhismayaal ay seexdaan ciidamada, masaajid, guryaha saraakiisha ay degaan, garoon kubadda cagta iyo goobo kale.

Saldhigga Milateri ee Turkiga ayaa ah kii ugu weyn Caalamka oo uu ka dhisto meel ka baxsan dalkiisa.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment