2730 Views

Dowladda Soomaaliya oo is bedel ku sameysay, Safiiro joogay 8 Dal

Dowladda Soomaaliya oo is bedel ku sameysay, Safiiro joogay 8 Dal
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 26 Oktoobar 2017 —- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa bedeshay Safiirada illaa 8 Dal, kuwaas oo bishii hore loogu yeeray inay dalka soo galaan muddo 30 maalmood ah, si bedelkooda loo magacaabo.

Sababta keentay tallabadaan ayaa ah safiiradaan oo muddo dheer hayay shaqadaan. Waxa ay ka mid ah 8 Safiir, Jabuuti, China, Uganda, Sudan, Zambia. Qatar, Abu Dhabi iyo Kuwait.

Safiiradaan ayaa lagu bedelayaa si-hayayaal oo midkood uu yahay, Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo si KMG u heyn doona xilka Safaaradda Soomaaliya ee Zambia.

Sidoo kale Safaaradaha China, Jabuuti, Abu Dhabi, Kuwait, Qatar iyo Uganda sii-hayeyaal ka noqda Diblomaasiyiintii hayay xilalka La Taliyaha Koowaad, ila laga macaabo safiiro cusub.

Waxaa la sheegaya in is bedelka wajigiisa labaad uu saameyn ku yeela doono Safiirada Soomaaliya u fadhiya Hindiya, Jarmalka, iyo Qunsuliyadda Soomaaliya ee Dubai.

Waxaa na soo gaaray mid ka mid ah warqada lagu bedelay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Jabuuti Mr C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade), waxaana lagu bedelay oo Sii-haye laga dhigay nin lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Hiraabe oo asago Safaaradda ka tirsanaa in muddo ah.

Hoos ka daawo waraqadaha qaar.

Ali Omar Ghedi

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment