2880 Views

Raila Odigna oo Sameeyay Jabhadda Horleh

Raila Odigna oo Sameeyay Jabhadda Horleh
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 26 Oktoobar 2017; —Hoggaamiyaha Mucaaridka Dalka Kenya Raila Odinga ayaa ku dhawaaaqay in uu sameeyay Jabhadda wax iska caabbinta ee Qaranka kaddib markii uu shalay ku dhawaaqay in uusan ka qeyb galeyn doorashada maanta ka dhaceysa Kenya.

Mr Odinga oo taageerayaashiisa shalay kula hadlayay Nairbi ayaa ugu baaqay in aysan tagin goobaha codbixinta islamarkaana u diyaar garoobaan haddii ay soo baxaan Uhuru iyo ku xigeenkiisa ay isu diyaariyaan xoreynta Kenya.

Odinga ayaa Uhuru iyo Ruto ku eedeeyay in ay laaleen sharciga dalka u yaalla islamarkaana diideen in ay aqbalaan go’aanka Maxkamadda sare ee doorashada ku celiska ah oo ay dib u dhigiddeeda ka hor yimaadeen.

Waxaa uu intaas ku daray in Dadka Kenya aysan aqbali doonin kali talisnimo cusub isaga oo sheegay in Madaxda Jubilee ay wadaan kali talisnimo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment