4338 Views

Sawiro:-Madaxweynaha Jubaland Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan ah Al Shabaab

Sawiro:-Madaxweynaha Jubaland Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan ah Al Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 26 Oktoobar 2017 — Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta booqday Xerada Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee degaanka Buulo-Guduud oo qiyaastii 30-KM dhinaca Waqooyi ka xigta Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa la hadlayay Ciidamo u diyaar garoobaya hawlgalo Al-Shabaab lagaga saarayo Gobolka Jubbada Dhexe iyo qaybaha ay wali kaga sugan yihiin Jubbada Hoose ayaa sheegay Shabaab in aysan heysan awood ay uga hor imaadaan Ciidanka Jubbaland, lana doonayo in loogu tago goobaha ay joogaan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in gabo gabo uu marayo diyaarinta hawlgal weyn ka bilaabanaya Jubbaland oo dhan, sidaas darteedna uu wakhtigiisa ugu badan ku qaadan doono xeryaha Ciidamada iyo abaabulka hawlgalka.

“Ciidamada ayaan dhex joogi doonaa si aan idinla qayb sado wakhtiyada adag ee aad wadankiina u halgamaysaan anigoo huba in aad guulaysan doontaan.“ Ayuu yiri Madaxweynahu.

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa maalmahii la soo dhaafay Hawlgallo ka sameeyeen qaybo ka mid ah degaanada gosha halkaas oo ay ku burburiyeen saldhigyo Shabaab ku laheyd deganadaas, Madaxweynahu wuxuu sheegay in taasi ay banaanka soo dhigtay sida aysan Al-Shabaab awood ugu lahayn in ay sii jirto

q1 q2 q3 q4 q5

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment