2178 Views

Shacabka Kenya oo u dareeray codeynta doorashada ku celiska ah

Shacabka Kenya oo u dareeray codeynta doorashada ku celiska ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 26 Oktoobar 2017 — Dalka Kenya waxaa maanta ka billowday codbixinta doorashada ku celiska ah ay maanta ka dhaceyso,waxaana maanta doorashadan ka maqan Hoggaamiyaha xisbiga Mucaaridka ee NASA Raila Odinga.

Odinga oo shalay la hadlay taageerayaashiisa ayaa ka codsaday in aysan soo bixin islamarkaana ku nagaadaan guryahooda.

Dadka saaka ka qeybgelaya codbixintaas ayaa ah kaliya taageerayaasha tartamayaasha kale ee doorashada iyada oo taageerayaasha mucaaridka NASA aysan ka qeyb galeyn.

Magaalooyin waa weyn oo ay ka midyihiin Nairobi,Gaarisa,Kisumu iyo kuwo kale ayaa la sheegayaa in ay codbixinta ka socoto inkasta oo dadka aysan u soo bixin sidii laga filayay.

Dadka Kenyaanka ah ayaa wadnaha farta ku haya iyada oo aad looga baqayo in ay rabshado dhacaan,waxaan Dowladda ay goobaha doorashada ku xoojisay Ciidamo Boolis ah oo doorashada loo diyaariyay.

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay Dadka Kenya in ay xasilooni ka doorbidaan nabadda islamarkaana ka fogaadaan qalalaasaha laga cabsanayo.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment