2292 Views

Taliyihii Ugu Horreeyay Ee Booliska Somaliya Oo Ku Geeriyooday Mareykanka

Taliyihii Ugu Horreeyay Ee Booliska Somaliya Oo Ku Geeriyooday Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 26 Oktoobar 2017; —-Jeneraal Maxamed Abshir Muuse; oo ahaa Taliyihii ugu horreeyay ee Booliska Soomaaliyeed ayaa shalay gelinkii dambe ku geeriyooday Dalka Mareykanka.

Jeneraalka ayaa ka mid ahaa 8; Janan ee ugu horreeysay ee lagu aas aasay Booliska Soomaaliyeed,waxaana uu ka mid ahaa saraakiishii lagu tabaray dalka Talyaaniga,xilligii Dowladdii Daakhiliga ahayd.

Jeneraalka ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsanayay waxaana uu ku jiray Isbitaalka ku yaalla Gobolka Mannisota ee Dalka Mareykanka,halkaas oo ay degganyihiin Soomaali badan.

Waxaa uu ifka kaga tagay 14, Carruur ah oo ay 8; Gabdho yihiin,halka 6; kale ay wiilal yihiin,sidoo kale waxaa uu ku geeriyooday da’da 91 Sano jir.

Jananka ayaa waxaa uu ku dhashay Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug,waxaana uu wax ku bartay Gobollada kala duwan ee Soomaaliya ilaa waxbarashadiisa sare uu ku qaatay Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment