2487 Views

War horleh oo ka soobaxaya qarax xalay ka dhacay Muqdisho

War horleh oo ka soobaxaya qarax xalay ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 26 Oktoobar 2017 — Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay guri ku yaal degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, qaraxa ayaa ahaa waxyaabo qarxa oo la diyaarinayay, waxaana ay si lama filaan ugu qaraxday ninkii diyaarinayay.

Guriga oo ku yaalla Xaafada Buurka Diikow ayaa waxaa la wareegay ciidamada ammaanka oo goobta tagay markii uu qaraxa dhacay kaddib.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhintay ninkii diyaarinayay, halka tiro kale oo qoyskiisa ah ay ku dhaawacmeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ninka qaraxa ku dhintay uu shalay ka yimid degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa qaraxa ku dhaawacmay xaaskiisa iyo wiilkiisa oo hoyga la degenaa.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay ninka qaraxa ku dhintay ay uga shakisan yihiin inuu xiriir la lahaa Al-Shabaab, hase ahaatee ma jirto faah faahin rasmi ah oo ka soo baxay baaritaankooda.

Dadka ku nool degmada Kaaraan ayaa hadal haya dhacdadan oo aheyd tii u horeysay nooceeda qarax ka dhex dhaca guri lagu diyaarinayay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment