3243 Views

Gudoomiyaha Gobalka Banadir Oo Sheegay In Dhawaan La Furidoono Wadooyinka Xiran Ee Magalada Muqdisho

Gudoomiyaha Gobalka Banadir Oo Sheegay In Dhawaan La Furidoono Wadooyinka Xiran Ee Magalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 27 Oktoobar 2017 —Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in uu socdo qorshe la xiriira in dib loo furayo wadooyinka xiran ee Muqdisho oo ay ka mid tahay wadada ka timaada Tarbuunka iyo jidcadayaasha kale ee xiran.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Thaabit oo maanta marti ku ahaa Barnaamij ka baxayay warbaahinta Dowladda in wadooyinka xiran sabab ay u tahay arrimo amni, balse mar walba hadii ay yihiin maamulka Gobolka ay ka shaqeynayaan danaha shacabka ay u shaqeeyaan.

Dhanka kale Duqa Muqdisho ayaa soo hadal qaaday arinta ay aadka ay u hadal hayaan shacabka Muqdsho ee la xiriirta Gawaarida Xamuulka oo saameyn weyn ku yeeshay nolosha shacabka, maadaama lagu xusuusto dhacdadii Zoobe ayaa sheegay hada in ay ku guda jiraan sidii hal wado ugu sameyn lahaayeen Gawaarida Xamuulka ee ka soo baxa Dekadda Muqdisho.

Wuxuu sheegay in aysan suuragal aheyn in Dekadda ay qaabisho Gawaari badan, sidaasi darteedan Gawaarida Xamuulka waqtiyo gaar ah ay shaqeyn doonaan, si ciriiri aysan ugu keenin wadooyinka kale ee Muqdisho.

In wado gaar ah loo sameeyo Gawaarida xamuulka ah ayaa waxa ay ka dambeysay kadib Gaari xamuul ah oo uu kaxeynayay nin Ismiidaamiye ahaa 14-kii bishan uu beegsaday dad shacab ahaa oo ku sugnaa Isgoyska Zoobe, halkaasi oo uu ku galaaftay nolosha boqolaal dad ah oo u badnaa Haween, Caruur iyo Ciroole.

Dadka qaar ayaa waxa ay sheegeen hadii wadooyinka qaar ee Muqdisho ay furnaan lahaayeen uusan khasaare buuran geysan laheyn Qaraxii Zoobe, balse shacabkii oo dhan lagu soo koobay wadadaas oo keliya, lana xiray wadooyinkii kale.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment