2520 Views

Ururka Midoowga Yurub Oo Taliye cusub u Magacaabay Howlgalka Ka Dhanka ah Burcad Badeeda Soomaaliya

Ururka Midoowga Yurub Oo Taliye cusub u Magacaabay  Howlgalka Ka Dhanka ah Burcad Badeeda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 27 Oktoobar 2017 —Guddiga Siyaasadda iyo Amaanka Midowga Yurub ayaa Taliye cusub u magacaabay howlgalka ka dhanka ah Burcad Badeeda Soomaaliya.

Taliyahaan cusub ee loo magacaabay howlgalka Atlaanta ee ka dhanka ah howlgaladda Burcad Badeeda Soomaaliyeed ayaa lagu magacaabaa Major General Charlie Stickland, kaasi oo howlgalka Midowga Yurub la wareegi doona 7 bisha November ee soo socota.

Ciidamadda Midowga Yurub ee lagu magacaabo (EU NAVFOR) ayey shaqadoodu waxa ay tahay sidii ay kooxaha burcad badeeda uga difaaci lahaayeen weerarada ay ku qaadayaan maraakiibta maraysa Badaha Soomaaliya iyo biyaha caalamiga ah.

Sidoo kale waxa ay difaacaan Maraakiibta u raran Hay’adda cunada adduunka iyo Maraakiibta kale ee ganacsiga ah.

Howlgalka Midoowga Yurub ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb ah sidii Nabad iyo Xasilooni uga geysan lahaayeen dalka Soomaaliya.

Kadib qaraxii xooganaa ee 14 bishan October ka dhacay magaaladda Muqdisho, howlgal Midowga Yurub ee Atlanta ayaa sheegay in ay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan dowaldda Soomaaliya sidii dalka looga xureyn lahaa kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed iyo ururka Al-Shabaab.

Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka Midowga Yurub ayaa waxa uu ka kooban yahay safiiradda dalalka Midowga Yurub u fadhiya magaaladda  Brussels oo ah xarunta dalalka Midowga Yurub.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment