3033 Views

Wasiirka Maaliyada Oo Sheegay iney Bixiyeen Mushaaraadka Marka Laga Reebo Bishan dhamaadka ah.

Wasiirka Maaliyada Oo Sheegay iney Bixiyeen Mushaaraadka Marka Laga Reebo Bishan dhamaadka ah.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 27 Oktoobar 2017 —Wasiirka Maaliyada Somaliya ayaa ka hadlay tirada deymaha lagu leeyahay Somaliya iyo cabashada Shaqaalaha iyo Ciidanka dowladda ee ku aadan ineysan mudo helin Wax Mushaaraad ah.

Dr C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Somaliya lagu yeeshay 5 Billion oo dollar lagu yeeshay Somaliya, Dalkana lagu tiriyo kuwa ugu liito marka laga hadlayo Dalalka soo koray, Beyle ayaa sheegay in Somaliya aysan iska bixin karin lacagaha badan ee lagu leeyahay.

Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF , Bankiga Aduunka iyo Qaramada Midoobey ayuu sheegay iney la socdaan hanaanka aan umareyno sidii nalooga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Somaliya, Rajada ay qabaan ayuu sheegay iney tahay in meesha ugu sareyso ay gaareen oo ay noqoto in la dhoho Somaliya deyntii waa laga deynayaa, lacago Cusub oo deyn aan eheynna waa la idin siinayaa.

Dhinaca Kale waxa uu Wasiirka maaliyada Somaliya ka hadlay bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada oo mararka qaar ka cabanaya ineysan Bilooyin wax Mushaar ah helin.

Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in marka laga reebo Bishan October ee hada dhamaadka ah la bixiyay Bilihii hore Mushaaraadkooda, marka laga reebo dad yar oo uu sheegay in hanaanka mushaar bixintooda cilado ka jiraan.

Markii uu Xafiiska ku fariistay ayuu sheegay in Dowladda lagu lahaa Mushaaraadka 7 Bilood oo deyn ah balse hada arimahaas oo dhan la xaliyay, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu sheegay iney arinkan iska xil saareen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment