2670 Views

Ciidanka dowladda Oo Toogtay Nin Askari Ku Dilay Magalada Caasimada ah Ee Muqdisho

Ciidanka dowladda Oo Toogtay  Nin Askari Ku Dilay Magalada Caasimada ah Ee Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 28 Oktoobar 2017 —Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Xaafadda Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid maanta ku dilay Nin markaas ka hor isna dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Badda.

Nin watay Mooto ayaa waxaa uu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Badda oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Cartan,kaas oo xilliga la dilayay ka cuneynayay Maqaayad ku taalla Suuq Bacaad.

Intaas kaddib ayaa Ninka dilka geystay waxaa uu isku dayay in uu qaato Mootada uu markii horeba watay,waxaana markii uu Mootada raacay gadaal uga yimid Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya kuwaas oo isna rasaas  ku furay.

Ninka dambe ee markii hore Askariga ka tirsan Badda dilay ayaa isku dayay dilka kaddib in uu baxsado,waxaana toogtay Ciidamo aan ka fogeyn goobta oo ku soo baxay.

Dadka Suuqa ku ganacsanaya ayaa walaac ka muujiyay dilalka ka dhaca Suuqaas,iyada oo Bishii la soo dhaafay Askari ka tirsan dowladda hoose oo lagu dilay suuqaas ay sababtay in Ganacsatada iyo Maamulka uu khilaaf soo kala dhexgalo.

Mamaulka Degmada ayaa Ganacsatada amray in ay sheegaan Kooxaha dadka ku dila Suuqa,laakiin Ganacsatad ayaa arrintaas iska diiday kaddib markii ay ku doodeen in ay amaankooda u baqayaan islamarkaan amniga suuqa ay u xil saaranyihiin Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment