7758 Views

Dalka Kazakhstan Oo Ka Guuraya Farta Cyrillic una wareegaya farta Latin.

Dalka Kazakhstan Oo Ka Guuraya Farta Cyrillic una wareegaya farta Latin.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 28 Oktoobar 2017 —Madaxweynaha Dalka Kazakhstan, Nursultan Nazarbayev,ayaa amar ku bixiyay in isbeddel lagu sameeyo farta ay wax ku bartaan Dadka dalkaas ee ah nooca loo yaqaan Cyrillic,taas oo inta badan ay adeegsadaan Waddamada Yurubta Bari ee uu Soviet-ka gumeysan jiray,haddana adeegsado Ruushka.

Madaxweynaha ayaa sheegtay in Waddamo badan oo ka mid ahaan jiray Soviet-ka islamarkaan deriskooda ah ay ka guureen farta Cyrillic iyaga oo u wareegay farta Latin,oo ay waddamo badan adeegsadaan.

Farta Cyrillic,qeybta Dalka  Kazakhstan,ayaa ka kooban 42 Xaraf oo 33 ka mid ah ay yihiin midda Ruushka halka 9 ku timid dhawaaqa dadka Dalkaas ay ku jiraan.

Farta cusub ee Latin-ka ah ee ay u wareegayaan ayuu sheegay in ay ka koobnaan doonto 32 Xaraf oo ay ku jiri doonaan kuwo asal ahaan ku saleysan afka dalkaas.

Dalalka deriska la ah ee Uzbekistan iyo Azerbaijan,ayaa horay uga guuray fartan waxaana ay u wareegeen farta Latin-ka,sidaas ayuuna sheegay in ay u waanagsan tahay dalkooda.

Waxaa uu madaxweynaha sameeyay Guddi ka shaqeeya beddelidda fartan iyo sameynta midda Latinka ee afka dalkaas lagu xirayo,waxaana uu waqti kama dambeys ah uga dhigay in Dalkiisa uu farta latinka u wareego Sanadka 2025-ka.

In ka badan 100 Dal oo Dunida ku yaalla ayaa adeegsada farta Latin-ka iyaga oo ku saleynaya afkooda,hayeeshee xarfaha yihiin latin,taas oo uu sheegay in ay si weyn ula jaanqaadeyso hannaanka waxbarashada ee heerka Caalami ah.

Dalka Kazakhstan ayaa luuqadda looga hadlo waxaa loo qori jiray farta Carabiga waxaase la beddelay Sanadkii 1920kii,hayeeshee 1940kii ayaa haddana loo beddelay Latin,iyada oo kaddib Gumeysigii Soviet-ka u beddelay midda Cyrillic ee hadda la sii beddelayo.

Karlygash Kabdulova, oo ah Bare sare oo xiriirka Caalamiga ah iyo luuqadaha ka dhiga Jaamacadda Abylai Khan University,ayaa sheegay in dalkiisa uu Carabi iyo Ingiriisba horay u soo qaatay,islamarkaana la beddelay laakiin hadda ay muhiim noqotay in lagu laabto farta Latinka oo ay Dunida u badantahay sida uu hadalka u dhigay.

1991kii Burburkii Soviet-ka ayuu dalkan madaxbanaani ka helay Ruushka waxaana uu ka mid ahaa waddamo yar oo wali adeegsada farta Ruushka hadda adeegsado ee Cyrillic.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment