3162 Views

DEG-DEG:-Dagaal Toos ah Oo Ka Soconaya Gudaha Hotelka Nasahablood Two

DEG-DEG:-Dagaal Toos ah Oo Ka Soconaya Gudaha Hotelka Nasahablood Two
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 28 Oktoobar 2017 —warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xaalada dhismaha hoteelka Naasa Hablood 2 oo ku yaala degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Hotelkan ayaa waxaa gelinkii danbe ee maanta weerar Qaraxyo ku Bilowday ku qaaday dabley hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab, waxaana xigay dagaal toos ah oo ay la galeen ilaalada Hotelka iyo Ciidamo katirsan Dowladda Somaliya.

Saraakiil katirsan laamaha amniga ayaa Qaranimo Online u sheegay in gudaha Hotelka uu xiligan ka socda dagaal goos goos ah oo dhexmaraya dableydii hubeysanaa ee Gudaha ugalay Hotelka iyo Ciidanka Nabad Sugida Somaliya oo isku gedaamay guud ahaan gidaarada Hotelka.

Saraakiisha waxa ay xaqiijiyeen in qeybta sare ee Hotelka kujiraan 3 dagaalyahan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab, mararka qaarna ay soo ridayaan rasaas daba socoto bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

Ciidamada ayaan wali duulaan toos ah qaadin waxeyna sahmin ku wadaan qaabka ugu sahlan ee lagu toogan karo ama lagu qaban karo dagaalyanada Al-Shabaab.

Dhinaca Kalena waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay Qarixii koowaad ee irida Hotelka ka dhacay iyo Rasaas ay soo ridayeen kooxaha gudaha ugu jira Hotelkan oo dhaca inta udhexeysa Tiyaatarkii hore ee Qaranka iyo dhismaha Ex-Baarlamaan.

Masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle ayaa Qaranimo Online u sheegay in dadka qaraxa ku dhintay uu kujiro Xildhibaan  Maxamuud Colaad Cabdi oo ugeeriyooday dhaawac ka soo gaaray Qarixii koowaad ee ay ku dhinteen Xildhibaan hore C/naasir Gaarane oo hada katirsanaa Guddiga Taakuleynta Ciidamada iyo Taliyaha saldhiga Booliska Degmada Deyniile Fanax Cagoole.

zzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzz

Dhimashada ayaa hada ka badan 13, waxaana la qaaday dhaawacyada ku dhawaad 20 ruux oo gawaarida Gurmadka degdega ay geeyeen Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment