2643 Views

Guddoomiye Barlamaanka Oo U Duulay Dalaka Suudaan

Guddoomiye Barlamaanka Oo U Duulay Dalaka Suudaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 28 Oktoobar 2017 —Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya iyo Wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay Dalka Suudaan, halkaas oo uu ku tagayo booqasho rasmi ah.

Guddoomiye Jawaari yo Waddiga uu hoggaaminayo ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Dalka Suudaan,waxaana ay ku kulmi doonaan Magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan.

Guddoomiye Jawaari ayaa billowgii Bishan booqasho ku tagay Dalka Masar,halkaas oo uu isna kula kulmay Madxda Dalka Masar oo uu ugu horreeyay dhiggiisa Dalka Masar.

Maanta waxaa jiray kulanka Golaha shacabka oo ku saabsan Hindisesharciyeedka dhismaha Guddiga madaxabanaan ee la dagaallanka Musuq maasuqa,kaas oo ay u dhiman tahay aqrin saddexaad kaddibna dood la gelinayo si loo meel mariyo Guddiga iyo xeerarka kale ee Golaha shacabka diyaariyaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment