2397 Views

K/Suudaan Oo Lacago Badan Bu soo Rogtay Ajaanibta ka ganacsata Gudaha Dalkaasi

K/Suudaan Oo Lacago Badan Bu soo Rogtay Ajaanibta ka ganacsata Gudaha Dalkaasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 28 Oktoobar 2017 —Dowladda Koofurta Suudaan ayaa marro cusub dul dhigtay Ganacsatada ajanabiga ah ee ku shaqeysta gudaha dalkaas,kuwaas oo ay dowladda hadda ka dooneyso in ay isk diiwaan geliyaan Wasaaradda maaliyadda dalkaas.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda dalka Koofurta Suudaan ayaa lagu sheegay in Qof kasta oo Ajanabi ah oo ka shaqeysta gudaha dalkaas qasab ku tahay bixinta lacag at jaangoysay Wasaaradda Maaliyadda islamarkaana uu bixinayo si uu uga sii shqeysto gudaha dalka Koofurta Suudaan.

Warqadda ayaa amreysa in Qofkasta oo Ganacsi ku heysta gudaha Dalkaas uu bixiyo $4,000 oo Doollarka Mareykanka ah,Xirfadlayaasha ayaa laga doonayaa $3,000 oo Doollar,Farsamo yaqaannada ayaa laga doonayaa $2,000 oo Doollar,Qibradlayaasha waxaa laga doonayaa $1,000 Doollar, kuwa aan xirfadda lahaynna waxaa laga doonayaa $500 oo doollar.

Warqadda ayaa soo baxday 22kii Bishan,waxaana ay si rasmi ah u dhaqan galeysaa 1da Bisha November ee soo socota,iyada oo ciddii waqtigaas ka hor aan isdiiwan gelinna ay bixineyso $200 Doollar oo Ganaax ah oo ay u dheertahay isdiiwaan gelinta.

Dadka Soomaalida ayaa ka mid ah Ganacsatada ajaanibta ah ee Ganacsiga ugu badan ku leh Koofurta Suudaan,waxaana si toos ah u saameyn doona sharcigan ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadad dalka Koofurta Suudaan.

Dalkan waxaa uu yahay dalka ugu Yar Caalamka,waxaana uu madaxbanaani ka qaatay Suudaanta Waqooyi Sanadkii 2011kii,hayeeshee 2 Sano kaddib waxaa uu galay dagaal sokeeye,waxaana  isku dhacay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisii taas oo sababtay in 2.4 Milyan oo dalka dadkaas ay barakacaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment