2388 Views

Madaxda Dowladda FS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada Oo Kulamo Hordhac ah Ku Yeelanaya Muqdisho

Madaxda Dowladda FS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada Oo Kulamo Hordhac ah Ku Yeelanaya Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 28 Oktoobar 2017 —Iyadoo maanta magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin madaxda Dowlada Goboleedyada Dalka ayaa waxaa bilowday kulamo wadatashi oo horudhac ah oo u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada

Ajandahaha looga hadlayo kulamadan horudhaca ah ayaa la xiriira in la mideeyo istraatiijiyada ku aadan duulaanka ka dhanka ah maleeshiyada Argagixisada Shabaab, taasi oo ay isku afgarteen madaxda Dowladda Federaalak Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada.

Warar ay wakaaladda SONNA ka heshey madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in la isku raacay ajandaha ugu muhiimsan oo ah in midoobo gulafka Alshabaab ka dhanka ah.

Sidoo kale kulamadan ayaa horudhac u ah shirkii loo balansanaa in maanta ay yeeshaan madaxda Dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada ay kulamadan horudhac u yihiin taasi oo lagu sii xoojinayo ajandayaasha ugu muhiimsan ee lagu gorfeyn doono shirkaasi marka uu toos u furmo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhawaan madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka ku casuumay shir wadatashi ah,kaasi oo haatan ay bilowdeen kulamo horudhac u ah adandayaasha looga hadlidoono shirkaasi.

Madaxada Dowladda Federaalak Soomaaliya ayaa sheegay in dalka uu dagaal ka dhan ah SHabaab uu gali doono,maalimo kadib markii ku dhawaad 600 boqol oo qof oo aan waxba galab ay xasuuqeen maleeshiyada SHabaab,taasi oo si isku mid ah u saameysay dareenka bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan madaxda Dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment