2739 Views

Maxkamada Maamulka Soomaliland Oo Eedeyey Hogaamiyaasha Xisbiga Soomaaliland

Maxkamada Maamulka Soomaliland Oo Eedeyey Hogaamiyaasha Xisbiga Soomaaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 28 Oktoobar 2017 —Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Dr. Aadan Xaaji Cali ayaa Hogaamiyaasha Xisbiyada Saddexda ah ee Somaliland ku dhaliilay in ay ka tallaabeen Hanaanka Loolanka Doorashada ee Dastuuriga ah.

Ol-olaha Doorashada ee Xisbiyada Kulmiye, Wadani iyo UCID ayuu sheegay in si wanaagsan uu ku bilawday, Balse Murashixiint hogaamineyso Xisbiyada ayuu ku eedeeyey in aysan Dadka u sheegeen waxqabadkooda, taa badalkeena ay u sheegayaan waxyaabo kicin kara.

Waxa uu ugu baaqay in loo hogaansanaado Dastuurka, Dadkane loo sheego Waxyaabaha ay ku dooran karaan sida dastuurka Somaliland uu dhigayo, Xeerkaas ayuu sheegay in uu yahay Midka ay Saxiixeen balse ay iska dhega tirayaan.

Si gaar ah waxa uu sheegay in ay sharci daro tahay in Axsaabta ay isku eedeeyaan in Dhanba, dhanka kale uu xiriir la yeelahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Arrintaasi ayuu ku tilmaamay in ay tahay Mid ka fog sharciga Somaliland.

Soomaalida ayuu sheegay in ay yihiin Dad walaalo ah, si kasta oo ay u kala aragti duwan yihiin ama la isku khilaafsan yahay, Waxa uuna ka digay in Hogaamiyaasha saddexda Xisbi ay isku Colaadiyaan Arrintaan.

Guddoonka Saddexda Xisbi ee Kulmiye oo Talada haatan haya, Wadani iyo UCID oo Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa ku jira Loolan la xiriira sidii ay ugu Guuleysan lahaayeen Doorashada Ka dhaceyso Deegaanada Maamulka Somaliland oo dhaceysa Bisha Soo socota ee November.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment