2631 Views

Dawlada Kuwait Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqday In Somaliya laga Gacansiiyo Ladagaalanka Al Shabaab

Dawlada Kuwait Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqday In Somaliya laga Gacansiiyo Ladagaalanka  Al Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 29  Oktoobar 2017 —War saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kuwait ee Khaliijka Carabta ayaa si adag loogu canbaareeyey weerarkii argagixisada ee Hotel Naasa Hablood 2 maalintii Sabtida ka dhacay.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuweyt ayaa beesha caalamka loogu baaqey in wax ka qabato arrimaha argagixisadu ka wado Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Kuweyt ayaa tacsi loogu direy dhamaan qoyskii iyo qaraabadii dadku uga geeriyoodeen weerarkii Hoteel Naasa Hablood 2.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey weerarkii shalay ka dhacay Hotel Naasa Hablood 2 waxaana ay ku dileen dad ka badan 15 qof, weerarkan ayaa imaanaya iyada oo laba todobaad ka hor lagu xasuuqey Muqdisho dad ka badan 350 qof.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment