2127 Views

Dowladda Turkiga Oo Ka Hadashay Qaraxii Hoteelka Naasa hablood

Dowladda Turkiga Oo Ka Hadashay Qaraxii Hoteelka Naasa hablood
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 29 Oktoobar 2017 —TDowladda Turkiga ayaa war deg deg ah kasoo saartay Qaraxii shalay lagu hoobtay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoteelka Naasa Hablood2.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in uu ahaa Qaraxaasi mid aad looga naxo oo lagu xasuuqay Shacab oo aan waxba galabsan.

Dowladda Turkiga ayaa ugu baaqday Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dowladda.

Warka kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa loogu tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxaasi.

Waxaa sidoo kale warka lagu sheegay in xukuumadda Turkiga ay ka go’an tahay garab istaagga Soomaaliya.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Naasa Hablood 2 ee degmada Xamarweyne.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad loo adkeeyay,waxaana ka socday howlgallo lagu xaqiijinaayay Ammaanka.

14-kii Bishaan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Qaraxii ugu weynaa ee Abid ka dhaca Soomaaliya, waxaana uu sababay dhimashadda ku dhawaad 400 oo qof.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment