2331 Views

Farmaajo Oo Ka Hadlay Weerarka Hotel Naasa Hablood Two

Farmaajo Oo Ka Hadlay Weerarka Hotel Naasa Hablood Two
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 29  Oktoobar 2017 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeynaaya muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii xooganaa ee lala beegsaday Hoteel Naaso hablood 2.

Madaxweynahu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku geeriyooday weerarkaas Al-Shabaab masuuliyadiisa sheegatay.

“ Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Janadiisa ku manaysto, dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee lagu laayey weerarkaan. Intii dhaawacanta iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in Alle uu siiyo caafimaad deg-deg ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay weerarkaan mid ay doonayso Alshabaab in ay ku cabsi galiso shacabka Soomaaliyeed ee sida uu yiri ku baraarugay musiibadii 14ka Oktoobar, taas oo horseedday midnimo iyo istaakulayn ay muujiyeen shacabku dal iyo dibadba.

“Waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee is garab-istaagay xilligii adkaa iyaga oo muujinaya sida ay uga go’antahay in ay ka qayb qaataan abaabulka lagu nabadaynayo dalka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in falalka noocaan oo kale ah aysan marnaba niyad-jab ku noqonayn qorshayaasha iyo howlgallada dowladda ay kaga hortagayso dhibaatada ay ku hayaan shacabka sida uu yiri  Alshabaab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment